U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgal Ka Wada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa  lagu soo waramayaa in saakay oo Sabti ah howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ciidamadan ay mid mid u baarayaan guryaha ku yaalla halkaasi, iyaga oo howlgalka ka wada guud ahaan xaafadaha Waqooyiga Gaalkacyo.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa u sheegay warbaahinta in ulajeedkoodu tahay sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen, islamarkaana uga hortagi lahaayeen falal amni darro oo dhaca.

Ma jirto cid illaa iyo hadda ay sheegeen saraakiisha in howlgalkaan kusoo qabteen, balse waxay ciidamada si gaar ah u baarayaan dhallinyarada.

Jimcihii shalay ayaa qarax uu ku dhintey sarkaal ka tirsan Puntland wuxuu ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News