U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Amni Xaqiijin Ah Ka Billaabay Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa howlgallo amniga lagu sugayo waxa ay ka billaabeen guud ahaan magaalada Garoowe.

Cabdullaahi Ciise Aw-Axmed oo ah gudoomiyaha gobalka Nugaal ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay in ciidamada ay aad u sugayaan amniga, islamarkaana habeen iyo maalin ay baaritaanno wadaan.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ciidamada ay koontaroollo dheeraad ah ka sameeysteen magaalada Garoowe, si amniga guud ee magaalada loo xaqiijiyo.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Nugaal ayaa ka warbixiyay weerar Bam oo habeen kahor ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe, waxaana uu sheegay inuusan ahayn weerar dad si gaar ah loogula bartilmaameedsanayay.

“Gaari NOHA ayaa naloo xaqiijiyay in Bamka uu kasoo dhacay, waxaana qubarada dhanka hubka ay inoo sheegeen in Bamka uu u ekaa mid kasoo dhacay gaariga ama iyaga oo ku ciyaaraya ay ka baqeen inay ku qaraxdo oo ay iska soo tuureen, laakiinse waxaan xaqiijinayaa in taasi aanay ahayn mid argagaxiso ah” ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Nugaal.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe ayaa waxaa lasoo buuxiyay ciidamada ammaanka Puntland, kuwaa oo mararka qaar baaritaanno ku sameeya gaadiidka dadweynaha.

Goobjoog News