U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Burburin Ah Ka Sameeyay Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Garoowe ee gobalka Nugaal oo kaashanaya maamulka gobalka iyo saraakiil ciidan ayaa howlgallo burburin ah ka sameeyay xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Howlgalka lagu burburinayo dhulkaan ayaa waxaa laga fuliyey dhanka waqooyi galbeed ee magaalada Garoowe oo ah halka ay deggan yihiin inta badan wasaarado ka tirsan maamulka Puntland islamarkaana ay ku yaallaan xarumo kale.

Burburinta waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, duqa Garoowe ee Puntland Xasan Maxamed Ciise Goodir, saraakiisha ciidanka birmadka gobolka Nugaal iyo gaadiidka maamulka degmada oo shaqada qabanayey.

Ciidamada ayaa burburinayay dhul lagu sheegay sharci darro oo markiisii hore si qaldan loo dhisay.

Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Goodir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalladani illaa iyo inta laga soo gebogebeynayo dhismayaasha sharci darada ah ee magaaladaasi ku yaalla.

Dhanka kale guddoomiyaha gobalka Nugaal Cumar Faraweyne oo bogaadiyay burburinta ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay inay ciidamada maamulka kala shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo soo celinta bilicda caasimadda Puntland ee Garoowe.

Magaalada Garoowe ayaa maalmahan waxaa ka soconayey howlgallo lagu sugayo ammaanka islamarkaana lagu hagaajinayo bilicda magaaladaasi oo ay wadaan ciidamada maamulka Puntland oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan Dowladda dhexe, howlgalkaasna waxaa loogu magac daray ammaanka lagu xaqiijinayo Danab Labo.

Goobjoog News