U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Bilaabaya Garoowe

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda amniga ee maamulka Puntland iyo saraakiisha ciidamada ee maamulkaasi ayaa isku raacay in Labo cisho kadib magaalada Garoowe laga bilaabo howlgallo amniga guud lagu xaqiijinayo.

Waxaa garoon ku yaalla magaalada Garoowe lagu soo bandhigay ciidamo si gaar ah loogu talogalay iney xaqiijiyaan ammaanka guud ee magaalada Garoowe, kuwaasi oo la sheegay iney la dagaallami doonaan falalka amni xumo iyo wax walbo liddi ku ah amniga.

Cumar C/laahi Faraweyne, guddoomiyaha gobolka Nugaal oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka wasiirka amniga iyo saraakiisha ciidamada la isku gartay qodobada kala ah:

In la qabto dhammaan dambiilayaasha kala ah:-

Kuwa dhulka ku habsada

Kuwa dadka baarta nooc walbo

Kuwa tooreeyaha wata

Argagaxisada iyo dhammaan cidii ku lug yeelata dambiyadaas

Laga bilaabo 7-da bishan, 6:00 AM, qofkii lagu qabto qori, bistoolad ama hubka wax dila noocyadiisa kala duwan oo aan shaqo ku jirin, taasi oo ah mid dowladeed qaxaa la horgeyn doonaa sharciga.

C/xirsi Cali Qarjab, wasiirka amniga maamulka Puntland ayaa isna sheegay in howlgalladan laga bilaabayo Garoowe, sidoo kalena laga fulin doono dhammaan deegaannada kale ee maamulkaasi.

Waxa uu wasiirka u digey dadka caadeystay in ay ka daba yimaadaan dadka lagu soo qabto falalka amni xumo, in iyaguna cadaaladda la marsiin doono.

Goobjoog News