U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Sameeyay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay saakay howlagllo ka sameeyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa daba socday sida la sheegay ganacsade habeenkii xalay ahaa lagu dilay magaaladaasi, kaasi oo dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada ayaa saakay waxay guri guri u galeen xaafado badan oo kamid ah Waqooyiga Gaalkacyo balse lama sheegin cid ay usoo qabteen.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa si kooban warbaahinta ugu sheegay in saacadaha soo aadan ay siin doonaan faaah faahinta.

Dilalka qorsheysan ayaa kusoo batay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Goobjoog News