U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Wada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya saakay oo Isniin ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo amni sugid ah ka wadaan ciidamada maamulka Puntland.

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa saakay kusoo baraarugey ciidamo badan oo xaafadaha magaaladaasi ka kooban tahay ka wada howlgallo guryo badan lagu baaray.

Weli howlgalkaan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.

Saraakiisha ciidamada amniga Boosaaso ayaa sheegaya in ulajeedka howlgalkaan ay tahay sidii ay ku sugi lahaayeen ammaanka guud ee magaaladaasi.

Shalay waxaa Boosaaso lagu diley Korneel Cabdikariin Xasan Fardhiye oo ahaa xeer ilaaliyahii maxkamadda ciidamada Puntland.

Boosaaso waxaa maalmahan dambe usoo badanayey falalka amniga ka dhanka ah, waxaana marar badan magaaladaasi  ka dhacay dilal qorsheysan.

Bishan aynu ku guda jirno ee December, waxaa Boosaaso lagu diley Taliye ku xigeenkii ciidanka Booliiska Puntland, agaasimahii madaxtooyada Boosaaso iyo sidoo kale xeerilaaliyahii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Goobjoog News