U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Wada Buuraha Galgala, Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay howlgallo ballaaran ka wadaan buuraha Galgala oo la aaminsan yahay iney ku jiraan dagaalyahanno ka tirsan Daacishta Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa bilowday habeenkii xalay ahaa, waxayna ciidamada wadaan illaa iyo maanta, iyadoo ay raadinayaan ciidanka dagaalyahannada Daacish.

Saraakiil u hadashay ciidamada Daraawiishta Puntland ee howlgalkaan wada ayaa sheegay iney soo qabteen rag badan oo lala xiriirinayo Al-shabaab iyo Daacish.

Dagaalyahannada ku jira buuraha Galgala ayaa marar badan waxay weeraro ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Bari.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News