U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Wada Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ay ka wadaan howlgallo ballaaran oo ay ku sugayaan amniga.

Habeenkii xalay ahaa waxaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dhaqan galay bandow lagu soo rogay, waxaana weli xiran nawaaxiga meelihii qaraxyadu ay ka dhaceen.

Saakay xaaladdu waa mid deggan, inkastoo howlgal ay wadaan ciidamada Puntland aan lasoo sheegin cid ay kusoo qabteen.

Inta badan ganacsigii magaalada Gaalkacyo ayaa saakay weli hakad ku jira, waxaana qaraxyadii shalay ay saameyn ku yeesheen suuqyo ganacsi oo magaaladaasi ku yaallay.

Shalay ayaa Labo qarax oo is xigxigta waxay ka dhaceen waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaan qaraxyadaasi ay sababeen khasaare kala duwan oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Goobjoog News