U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Maanta Howlgal Ka Wada Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay dhulka buuralayda gobolka Bari ka wadaan howlgallo ballaaran kuwaasi oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Howlgallada oo ay wadaan ciidanka daraawiishta Puntland ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwao lagu xaqiijinayo ammaanka.

Degaannada howlgallada ay ka wadaan oo qaarkood ku dhowaad boqol KM u jira magaalada Boosaaso ayaa waxaa kamid ah degaanka Af Ururu iyo degaanno kale oo ku dhow.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa inoo sheegay iney ku baacsanayaan dagaalyahannada Al-shabaab ee fariisimaha ku leh deegaannada ku teedsan buuraha.

Ma jirto illaa hadda cid lagu soo qabtay howlgalkaan, hase ahaatee ciidamada ayaa galaya dhammaan xaafadaha ku yaalla deegaannada ay howlgallada ka wadaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News