U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Saakay Howlgallo Ka Wada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhanka uu ka arrimiyo maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ciidamada maamulkaa ay ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada ayaa galaya qaar kamid ah guryaha ku yaalla magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay iney qabteen illaa iyo haatan Labo ruux oo looga shakiyey iney wax ka maleegeen amni darada kusoo korortay magaaladaasi.

Saraakiisha ammaanka ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo weli wax war ah kama aaney soo saarin howlgalkaan ka socda magaaladaasi.

Qarax maqribkii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu dhaawacay Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo ka tirsan xildhibaannada maamulka Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News