U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Wada Howlgal Lagu Raadinayo Dadka Wax Tahriibaya

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada badda maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxaha dadka tahriibiyaha oo maalmihii ugu dambeeyay sii xoojiyay qorshaha ay dadka ku tahriibinayaan.

Taliyaha ciidamadaasi Admiral Cabdirisaaq Diiriye oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda ragga wax tahriibiya ay fureen wado cusub oo tahriib ah, taasi oo dadka lagu geynayo illaa dalka Sudan.

Waxa uu sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay fashiliyaan arrinta ku aadan tahriibka, waxaana uu been abuur ku sheegay in Puntland dhawaan si qarsoodi ah looga kaxeeya dhalinyaro loo qaaday dhanka Kooxda Daacish.

“Waa been anaga Daacish wax shaqo ah oo aan ku leenahay malahan, waxaa laga yaabaa in cadowga uu warkaasi si kale u fasiro, laakiinse maalmahaan dambe ayaa dadka wax tahriibiya waxa ay fureen jid cusub oo ay ku sheegayaan in dadka lagu tahriibinayo iyaga oo Yemen Illaa Sudan dadka sii qaadaya’ ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in uu jiray shaqsi isaga howlahaan soo abaabulay, hase ahaatee uu baxsaday markii uu ku fashilmay dad uu u qaaday Yemen.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa deegaanada maamulka Puntland waxaa laga hadaly hayay dhalinyaro badan oo la tahriibiyay, taasi oo dadka qaar ay sheegeen in loo geynayo Kooxda Daacish, balse la ogaaday markii dambe in dhalinyarada qaab tahriib ah loo geeyay Yemen, iyadoo loo sheegay in Sudan la geynayo.

Goobjoog News