U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Xiray Rag Ku Howlanaa Jarista Dhirta

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Mudug waxay gacanta kusoo dhigeen rag la sheegay iney ku howlanaayeen jarista dhirta.

Raggan la qabtay ayaa tiro ahaan gaaraya 3, waxaana wararku ay sheegayaan in la geeyay saldhigga degmada Goldogob.

Axmed Cabdi Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka deegaanka Daaru-salaam ayaa warbaahinta u sheegay in cid walbo oo ku kacda falal sidan oo kale ah la xiri doono, lana marsiin doono cadaaladda.

Maamulka Puntland ayaa horey u mamnuucay jarista dhirta oo uu maamulku ku sheegay iney tahay dambi adag.

Goobjoog News