U bood dhigaalka

Ciidamada Siiriya Oo Weeraro Cusub Ku Qaadey Aleppo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dalka Siiriya ayaa qaaday weeraro cusub oo ka dhan ah mucaaradka laga saaray magaalada Aleppo, kuwaas oo hadda ku sugan hareeraha magaladaa.

Warkan ayaa soo baxay xilli Talafishinka qaranka dalka Siiriya uu sheegay in sadex ruux ay ku geeriyoodeen magaladda Aleppo kadib markii mucaaraadku ay hoobiyaal ku soo garaaceen magalada maalmo yar kadib markii Aleppo mucaaradka xoogga looga saaray.

Weeraradii ugu dambeeyey oo ay qaadeen ciidamada Suuriya ayaa la sheegay in ay sababtay dhimashada lix ruux oo rayad ah oo ay carruuri ku jirto, kuwaas oo ku sugnaa magaladda mucaaradku ay heystaan ee Atareb, oo kun taalla meel galbeedka ugu beegan magaladda Aleppo.

Sida laga soo xigtay kooxda Xaquuqul Insaanka Siiriya waxaa dadka la dilay kujira dad badan oo haween iyo carruur ay kujiraan kuwaas oo aan wax lug ah kula heyn colaadda Siiriya.

Weriye ka tirsan wakaladda wararka ee AFP oo kusugan magaladda Atareb ayaa sheegay in uu arkayey diyaarado joog hoose ku doolaya ka hor duqeynta.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo wariyey in duqeymo xooggan ay ka wadaan hareeraha magaladda Aleppo, ciidamada Siiriya iyo kuwa Ruushka, si mucaaradka looga fogeeyo magaladda istaraatiijiga ah ee Aleppo.

Dalka Ruushka ayaa weeraro dhanka hawada ah ka bilaabay dalka Siirya September 2015, si uu u taageero madaxweyne Bishaar al. Asad oo la aaminsan yahay in uu meesha ka bixilahaa haddii uusan heleen taageerada buuxda ee dalka Ruushka.

Goobjoog News