U bood dhigaalka

Ciidamada Somaliland oo dagaal kula wareegay deegaanka Saax-dheer

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool.

Kornayl Maxamed Maxamud Dhuunkaal, Taliyaha ciidamada maamulka Somaliland ee weerarka ku qaaday deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada maamulka Somaliland ay gacanta ku dhigeen deegaanka kadib markii ay weerar ku qaadeen halkaasi oo uu xusay in sarkaal uu kaga geeriyooday, dhinaca kalena waxa uu sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen ilaa shan ruuxna ay gacanta ku dhigeen.

Taliyaha ayaa xusay in ay ka hor tagayeen caleemo saarka madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galayr oo la qorsheynayay in lagu caleemo saaro halkaasi.

Ciidamada Somaliland ayaa in badan gudaha u galay degmooyin ay ka mid tahay Taleex oo xarun u ah maamulka Khaatumo.

Deegaanada hoos yimaada Khaatumo ayaa u dhaxeeya maamullada Somaliland iyo Puntland oo xurguf siyaasadeed ka dhaxeyso.

Madaxwaynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa aqoonsaday maamulka Khaatumo wallow mar dambe uu kala laabtay aqoonsiga.

Hoos ka dhageyso codka Kornayl  Maxamed Maxamud Dhuunkaal: