U bood dhigaalka

Ciidamada Somaliland oo gacanta ku dhigay gaarigii gaarka ahaa ee Cali Khaliif Galayr

Sheeko:War

War ay baahiyeen warbaahinta somalialand oo la sheeegay inuu kasoo baxay ciidanka somalialand ayaa sheegaya in ciidankoodu ay gacanta ku dhigeen gaarigii gaarka ahaa ee Cali Khaliif Galayr, darawalkii u waday iyo qaar ka mid ah ilaaladii khaaska aheyd ee Cali khaliif Galayr.

Warkan kazoo baxay ciidanka Somaliland waxaa ay ku sheegeen iney kusoo qabteen gaariga iyo darawalkii kaxeynayey kadib howl-gallo ay ka sameeyeen degmada Saaxdheer, balse ma aysan cadeynin halka uu Cali Khaliif Galayr ku sugan yahay.

Cali Khaliif Galayr oo ah mudanae ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaannada Puntland ayaa shalay dib ugu laabtay gobalka Sool.

Gaariga iyo ilaaladii la socotay ayaa loo ka xeyeeyey magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland.

Majiraan ilo madax banaan oo xaqiijiyey warkan ay ciidanka Soomaaliland ku sheegen inay gacanta ku dhigeen gaariga Galayr iyo ilaaladiisi gaarka ahayd.