U bood dhigaalka

Ciidamada Somaliland oo gacanta ku dhigay Idaacad muddo badan si qarsoodi ah uga shaqeynaysay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen Idaacad lagu magacaabo Baadigoob, taas oo muddo Shan Bil ah si dhuumasho ah uga shaqeyneysay gudaha magaalada Hargeysa.

Idaacadaan oo ahayd Fm, islamarkaana ah mid madax banaan, hase ahaatee la sheegay in aysan maamulkaasi ka diiwaan gishaneen, ayaa howlgalo ciidamada Booliiska maamulkaasi wadeen muddo aad badan waxaa u suurta gashay in ay soo qabtaan.

Taliyaha ciidamada Booliiska maamulka Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in ay qabteen qalabkii Idaacadda iyo sidoo kale Afar Wariye oo Idaacadaasi ka shaqeynaysay.

Fadal ayaa dhanka kale sheegay in Idaacadaan ay baahin jirtay warar been abuur ah, qal qalnka ku ah bulshada, sidoo kalena ay ahayd mid sharci darro ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maamulka Somaliland ayaa sharci ahaan waxaa ka mamnuuc ah in deegaanada ay gacanta ku hayaan ka shaqeyso Idaacad Madax banaan, taa oo horay baarlamaanka maamulkaasi u meel mariyay.

Goobjoog News