U bood dhigaalka

Ciidamada Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Agaasimahii Talafeshinka Universal Ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen agaasimahii Talefeshinka Universal ee Somaliland, Maxamed Caabi Digaale.

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah suxufiyiinta ku sugan Hargeysa, agaasimaha ayeey ciidanku ugu galeen xafiiskiisa xilli shaqo badan ay socotay, kadibna xabisga u dhaadhiciyey.

Xarunta Hargeysa ee Universal ayaa markii ay ciidanku galayeen waxaa ku sugnaa agaasimaha iyo shaqaale kale oo shaqo maalmeedkooda caadiga ah watay.

Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidanka Booliiska Somaliland u xireen agaasimaha, mana jirto faah faahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen xariggiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News