U bood dhigaalka

Ciidamada Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Qaar Kamid Ah Qoyska Nimcaan Hilaac

Sheeko:Dalka

 

Ciidamada Somaliland ayaa weeraray hoyga uu magaalada Boorama ka degan yahay fanaanka Nimcaan Hilaac, markii la sheegay in fanaanka uu halkaasi tagay, kadib safar dhulka ah oo uu kaga baxay dalka Jabuuti.

Wararku waxay sheegayaan in shalay ay ciidankaan qaadeen weerar xooggan, iyagoo xiray Aabaha dhalay Nimcaan Hilaac, gabar isaga la dhalatay iyo sidoo kale wiil uu abti u yahay.

Hooyada dhashay Nimcaan Hilaac oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in si xun ay ula dhaqmeen ciidamada Somaliland, iyaduna loo geystay jir dil aad u xooggan.

Dhanka kale, shacabka ku dhaqan magaalada Borama ee gobolka Awdal ayaa ciidamada Somaliland kala hortagay dibadbax xooggan oo ay xarig kaga difaacayeen Nimcaan Hilaac, waxaana jira rasaas ay fureen ciidamada oo waxyeello soo gaarsiisay dadka shacabka ah.

Ciidamadan weerarka qaaday uma aanay suurtagelin iney xiraan fanaan Nimcaan Hilaac oo illaa hadda la sheegayo inuu ku dhex sugan yahay magaalada Boorama.

Nimcaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, waana fanaan taageero weyn ku leh meel walbo oo ay Soomaali joogto ama degan tahay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada