U bood dhigaalka

Ciidamada Talyaaniga Oo Badbaadiyey Ku Dhawaad Kun Qof Oo Tahriibayaal Ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa in maalintii shalay ahayd ay badbaadiyeen dad gaaraya Kun qof oo tahriib ahaan uga baxay dalka Masar.

Ciidankaan ayaa dadkaan kasoo badbaadiyey Xeebaha Koonfureed ee dalkaasi, waxaana la sheegay in dadka qaar ay yihiin kuwo aad u liidta.

Dadkani ayaan weli si rasmi ah loo shaacin dalalka ay kasoo jeedaan, hase ahaatee waxaa hadda la geeyay Afar goobood oo ku yaalla Koonfurta Dalka Talyaaniga.

William oo ah afhayeen u hadlay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay in dadka qaarkood ay soo fuuq baxeen, ayna ku jiraan dad u dhashay dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Tahriibayaashan ayaa la xaqiijiyey inay ku jiraan carruur aad u yar yar oo qaarkood aanay jirin cid la socota.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto dooni kale oo ay la socdaan dad tahriibayaal ah taasi oo kasoo baxday dalka Liibiya balse aan weli aan soo galin xeebaha dalka Talyaaniga.

Dalka Masar ayaa Bilooyinkaan noqday marinka ugu badan ee ay adeegsadaan tahriibayaasha oo Soomaali ay ku jiraan.

Goobjoog News