U bood dhigaalka

Ciidamada Talyaaniga Oo Badbaadiyey Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Soomaali

Sheeko:Dalka

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyey tahriibayaal badan oo ay ku jiraan Soomaali, kuwaasi laga badbaadiyey badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga.

Ciidamadu waxay badbaadiyeen dad tiradoodu lagu sheegay 4,650, waxaana ku jira carruur iyo haween.

Dadkan la badbaadiyey ayaa u kala dhashay dalalka Somalia, Sudan, Masar, Ethiopia, Eritrea, Cameroon iyo Yemen, waxaana ay doonayeen in dalka Talyaaniga gaaraan.

Ciidamada badda Talyaaniga ayaa la sheegay inay soo saareen meydadka 50, laakiinse dadkaasi dalalka ay u kala dhasheen weli lama soo sheegin.

Dowladda Talyaaniga waxay sheegtay in sanadkaan ay dalkaasi qaab tahriib ahaan ku galeen dalkaasi dad gaaraya 60 Kun oo qof.

Tahriibayaal badan ayaa muddooyinkaan marin waxay ka dhigteen badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Masar, iyadoo ay jiraan dad badan oo baddaasi ku dhintay.

Goobjoog News