U bood dhigaalka

Ciidamada Talyaaniga Oo Badbaadiyey Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Soomaali

Sheeko:Dalka

Ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa inay badbaadiyeen dad tahriibayaal ah oo ay ku jiraaan Soomaali.

Howlgal ay sameeyeen ciidamadaan Axaduu shalay ayaa u suurta gashay in badda ay kasoo badbaadbiyeen dad tiradooda lagu sheegay 575, kuwaas oo kasoo baxay dalka Liibiya.

Doonidan ayaa laga dul helay Meydka Hal qof oo dhalashadiisa lagu sheegay Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa inay xireen Labo nin oo u kala dhalatay wadamada Somalia iyo Gambia kuwaa oo looga shakiyey in ay tahriibinayeen dad gaaraya 576.

Doonidan ayaa looga shakisan yahay Doonidan inay ka mid ahay 7 Doonyo oo kasoo baxay xeebaha dalka Liibiya horraantii bishan.

Goobjoog News