U bood dhigaalka

Ciidamada Uganda oo Dalbaday in la Kordhiyo Magdhawga La siiyo Ciidakooda Lagu Dilo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ciidamada dalka Uganda ayaa ka dalbaday AMISOM in kor loo qaado Magdhawga  la siiyo Ciidamadooda ku dhinta Soomaaliya oo hadda la siiyo Shs150 million ($50,000), waxay doonayaan in laga dhigo ilaa Shs210 million ($70,000).

Madaxda Ciidamadan ayaa codsigan u gudbiyay Madaxa waaxda Howl-gallada nabadda ee AMISOM Mr Bam Sivuyille oo Isniintii booqday magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Warbixintan oo ay ciidanka usoo gudbiyeen Saxaafadda waxaa ku qornaa in Uganda ka dalbatay AU-da kor u qaadista Magdhawga la siiyo Ciidamadooda lagu dilo dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in ciidankaas ay ka tagaan qoysas u baahan taageero dheeraad ah.

Ciidamada Uganda waxaa ay in muddo ah wadeen dacwada ku saabsan in Magdhawga kor loo qaado, lakin Mr Sivuyille waxaa uu sheegay in arimahaas ka warqabaan waxna laga qaban doono.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Xogheyaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gashaadhiga Ms Rosette Byengoma, Madaxa Ciidamada dhulka, Maj Gen David Muhoozi, iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Maj Gen Wilson Mbadi, waxaa ay sidoo kale kala hadleen in si fiican loo qalabeeyo ciidanooda ku sugan Soomaaliya.

 

Uganda waxaa  Soomaaliya ka jooga 6,223 oo askari, halkii Askari waxaa uu lacag ahaan u qaataa Shs2.4m.