U bood dhigaalka

Ciidamada Uganda oo Xabsiga Dhigey Ra’isulwasaarihii Hore iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalkaasi

Sheeko:Caalamka

Muddo yar uu ka hor inta aysan dalkaasi ka dhicin doorashooyin madaxtinimo sanadka 2016-ka ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay labo nin oo u taagan xilka madaxtinimo ee dalkaa oo kala ah Amama Mbabazi oo horey usoo noqdey Ra’isulwasaare iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi Kize Bisigye.

Amama oo doonaya in madaxweynaha hadda taliyaha Yuruweri Musavani uu kula tartamo xisbiga dhexediisa ka hor doorashooyinka 2016-ka, waxaana la xirey isaga oo kusii jeedey isu soo bax taageerayaashiisa ay ku qabanayeen meel u dhow xuduuda Kenya.

Bishii lasoo dhaafay ayay ciidamada booliska ka mabnuuceen ninkani in uu sameeyo wax isu soo bax.

Kise Bisigye oo ah ninka waqtigii ugu dheeraa ku jirey tartanka madaxtinimo, ahna ninka ugu caansan mucaaradka dalkaasi ayaa isna la xirey.

Wararka waxa ay sheegayaan in la xirey xili uu kasoo baxayay gurigiisa isaga oo kusoo jeedey safaaradda dalka Maraykanka oo uu kulan kula lahaa safiirka Mareykanka ee Uganda.

Madaxweynaha hadda talada Uganda haya Yuweri Musavani ayaa dalkaasi xukumayay tan iyo markii uu afgambi ku qabsaday sanadkii 1986-dii, xiligaasi oo xukunka laga tuurey madaxweynihii Uganda Milton Apolo Abote.

Goobjoog News