U bood dhigaalka

Ciidamada Xeebaha Libya Oo Badbaadiyey 335 Qof Oo Tahriibayaal Ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada ilaalada Xeebaha Libya ayaa badbaadiyey 335 qof oo tahriibiyaal ah kuwaasi oo doonayey inay si sharci darro ah ku galaan waddamada Yurub.

Ciidamada ayaa howlgalka badbaadinta waxa ay ka sameeyeen saddex meelood oo kala ah Gasr Garabulli, oo ku taallo bariga caasimadda  Tripoli, halka badbaadinta labaad ay ka dhacday waqooyiga magaalada Zawiya oo 16 Meyl kaga beegan galbeedka Tripoli.

Howlgalka badbaadinta saddexaad ayaa waxaa uu ka dhacay Meel 14 Meyl kaga beegan magaalada Abuu Kashman oo iyaduna dhacda galbeedka caasimadda Libya.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Libya oo lagu magacaabo Ayuub Qaasim ayaa sheegay in tahriibiyaashaan la badbaadiyey 52 ka mid ah ay yihiin haween, halka 7 kalena ay yihiin caruur, waxa uu intaasi ku daray in dadkan ay u kala dhasheen waddamada Masar, Morocco iyo Algeria.

Qaasim ayaa warbaahinta Al-jazeera u sheegay in dhammaan dadkan tahriibayaasha ah loo qaaday labo xarun oo ka mid ah xarumaha ku yaalla Tripoli oo dadka la geeyo, waxa uu intaas ku daray in dadkan loo fidiyey kaalmooyin bani’aadannimo iyo kuwo caafimaad intaba.

Libya ayaa ah barta ugu weyn oo ay ka baxaan dadka tahriibayaasha ah kuwaasi oo doonaya in si sharci darro ah ay ku galaan waddamada Yurub iyaga oo maraya Badda Dhexe.

In ka badan 6 boqol oo kun oo muhaajiriin ah ayaa ka gudbay Badda Dhexe waxa ayna gaareen Talyaaniga afartii sano ee la soo dhaafay.

Dadka wax tahriibiya ayaa waxa ay ka faa’ideysanayaan amni la’aanta ka jirta Libya, kuwaas oo uga faa’ideysanaya howlahooda Tahriibin, xilli dad badan oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen badda.

Goobjoog News