U bood dhigaalka

Ciidamada Xeebaha Libya Oo Badbaadiyey Tahriibayaal Badan

Sheeko:Dalka

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada xeebaha Libya ay badbaadiyeen Tahriibayaal gaaraya ku dhowaad 220 qof kuwaasi oo doonayay inay ka gudbaan bada dhexe si ay u gaaraan Yurub balse xeebaha Libya ay kula harqatay doonta.

Afhayeen u hadlay Ciidamada ilaalada Xeebaha Libya ayaa sheegay inay badbaadiyeen labdii maalmood ee la soo dhaafay 762 qof kuwaasi oo doonayay inay gaaraan dalka Talyaaniga iyaga oo saran doomo ka sameysan Cinjiro.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamada Libya ay shalay badbaadiyeen 680 qof oo tahriibayaal Afrikan ah kuwaasi oo saarnaa shan doomood ayna marayeen xeebaha galbeed ee dalkaasi.

Goobjoog News