U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka: 25 Ayaan Ka Dilnay Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Sida ay qortay warbaahinta xoogga dalka, Ciidamadooda oo kaashanaya kuwa Jubbaland iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa la sheegayaa in 25 ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen weerar ka dhacay degaanka baar-sanguuni oo Magaalada Kismaayo u jira 50km.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Janaraal Ismaciil saxardiid oo la hadlay idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in lagu guuleestay howlgalkii ka socday nawaaxiga baarsanguuni, isagoona tilmaamay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah.

Janaraal Saxardiid oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Ciidamada xoogga dalka oo taagero ka helayo ciidamo mareykan ah ayaa ku guuleestay xureynta degaanka baarsanguuni waxaana degaanka laga weeraray labo jiho oo ciidamada ku qabsadeen deegaanka, sidoo kale waxaan la wareegnay hub iyo saanad ciidan oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab’’.

Sidoo kale Janaraal  Saxardiid waxa uu xusay in howlgalka ay ciidamada ay kusoo qabteen ku dhawaad 35 ka tirsan Al-shabaab.

“Waxaan gacanta ku dhigay maleyshiyaad iyo horjogayaal ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo tiradooda gaareysa 35 nabadiidka Al-shabaab,Awooda ciidamada Xoogga dalka markii ay u dulqaadan waayeen ayay surta gal noqotay in ay ciidamada gacanta ku dhigaan horjogayaasha iyo maleyshiyaadkaan ka tirsan nabadiidka Al-shabaab”.ayuu intaasi ku daray Janaraal Saxardiid.

Goobjoog News