U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Al-shabab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Galmudug

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ayaa Howlgallo ku gaaray deegaanno ka tirsan  goobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay  deegaanka War-xoolo iyo Ceelgod oo ka tirsan oo hoos yimaada degmada  Ceelbuur, ciidamada ayaa deegaannadaan  kula wareegay howlgal aan dhiiga ku daadan, Al-shabab ayaana deegaanka isaga baxay ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada.

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto: Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay siiwadaan howlgallada.

Howlgalladaan ayaa waxa ay imaanyaan iyadoo wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa dhowaan uu taliska xoogga dalka qeybta 21-aad kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo laga xoreynaayo deegaannada Galmudug, ee ku jira gacanta Al-shabab.

Goobjog News