U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Gaaray Deegaanno Cusub Gobolka Jubbada Hoose ah

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee loo yaqaano Danab, oo muddooyinkaan howlgallo ka waday gobolada Jubbooyinka ayaa la wareegay, deegaanno dhaca gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al–shabab.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku gaaray, deegaannada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe, kana tirsan gobolka Jubbada hoose, oo muddooyinkii dambe ay maamulayeen Al-shabab.

G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka  ee Danab ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan inta ciidamdu ay gaarayaan guud ahaa deegaannada Jubbooyinka.

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka dhan ah Al-shabab ka waday gobolka Jubbada hoose, iyadoo dhowaan taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland uu warbaahinta u sheegay in uu bilowday howlgal lagu gaarayo magaalada caasimadda u ah maamulka ee Bu’aale ee jubbada dhexe.

Goobjoog News