U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Howlgal Ka Sameeyay Shabeellada Hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo maanta howlgallo ka sameeyay  deegaano hoos yimada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose  ayaa la sheegayaa in burburiyeen saldhigyo  Al-shabaab ah.

Ciidamada dowladda federaalka ah ka tirsan ayaa saaka ku kalahay baaritaanno ay sameeyeen goobo ka tirsan agagaarka Qoryooley.

Taliyaha ururka 26 guutada  sadaxaad ee ciidamada xoogga dalka gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar  (Xasan Jaamici) oo howlgalkaasi hogaaminayay ayaa sheegay In ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay burburiyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen deegaanada Mushaani iyo Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Xarakada Al-shabaab ayaa fariisimo ku leh goobo badan oo ka tirsan Shabeellada hoose, waxaa sidoo kale dhacdo in dowladda ay mar walbo weerarto.

Dhinaca kale, wax war ah kama soo bixin dhanka Al-shabaab oo ku aadan howlgalka ay sheegtay dowladda federaalka ah.