U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Qaybaha 21-aad iyo 27-aad ayaa kala dhexgalay meleeshiyaad ku dagaalamayey maalmihii tagay gobolka Hiiraan waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuus Raage oo maalmaahan howlo shaqo ku joogay gobolka ayaa ciidamada ku amaray in ay ku baxaan deegaannada hoosyimaada Maxaas oo maalmahaan ay ka jirtay xiisada gaartay gacan ka hadal.

Deegaanada Xagar iyo Laan-cadaad oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan , ayaa ciidamu ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan xiisaddii taagneed oo ay qaboojiyaan ciidamada ayaana halkii lagu dagaalamay ka samaystay fariinno ciidan.

Ciidamadan oo qayb ay ka yihiin kuwa nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA waxaa hugaaminayo Sareeye Guuto Mascuud Maxamed Warsame Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad , xaalada deegaanada lagu dagaalamey ayaa dagan waxaana goobahaasi hadda ku sugan ciidamada qalabka sida.

Ciidamada ayaa la filayaa in labada dhinac ay isugu yeeraan kulan  xal laga gaaro sababta dhalisay dagaalka dhex maray maleeshiyaadka kuwaas oo maalmihii tagay ku dagaamay deegaannada hoos yimaado Maxaas.

Goobjoog News