U bood dhigaalka

Ciidamadda Dowladda ee Ka Baxay Dhuusamareeb oo La Dajiyey Xerooyinka Cadaado

Sheeko:Dalka

Ciidamaddii dowladda federaalka ee maanta ka baxay magaalada Dhuusamareeb kadib markii dagaalyahanada Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay kala wareegeen gacan ku heynta magaaladaasi ayaa waxaa la dajiyey goobo ku yaala magaalada Cadaado.

Sida ay Goobjoog u sheegeen wariyeyaasha halkaasi ku sugan, ciidamada dowladda ayaa intooda badan horey ugu sii sugnaa magaalada Cadaado halkaasi oo ay shir kaga qeybgalayeen mas’uuliyiinta dowladda sida wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud, kuwaasi oo hadda ku maqan dalka Itoobiya.

Ciidamada Dowladda ee laga soo saaray Dhuusamareeb ayaa waxa ay wateen illaa 5 gaadiid oo kuwa dagaalka ah, waxaana la dajiyey guryo jaamacad loogu talogalay oo ku yaala koontaroolka Cadaado laga soo galo dhanka Gaalkacayo.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Daahir Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in ciidamada ay meel dajiyeen, islamarkaasina si wanaagsan loosoo dhaweeyey.

“Ciidamadii dowladda federaalka ee ka yimid Dhuusamareeb waxaa la geeyey baro cayiman, oo ay ka degenaayeen ciidamadii hore ee dowladda federaalku magaalada Cadaado, waxay kusoo gaareen si nabad galyo, dhaawacoodana waxaa la dhigey isbitaalka magaalada Cadaado” ayuu yiri wasiirku

“Wixii go’aan ka gaaristooda mustaqbalkana waxaa iska leg dowladda federaalka” ayuu intaasi raaciyey

Maanta hadalheynta ugu badan ee Cadaado waa ciidamada yimid iyo isbadalka ka dhacay Dhuusamareeb, taasi oo aanan la ogeyn saameynta ay shirka ku yeelan doonto xili Dhuusamareeb loo diyaarinayay in ay noqoto caasimadda maamulka loo dhisayo gobolada dhexe.

Waxay wariyeyaasha soo sheegayaan in ergada iyo odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta ay leeyihiin kulamo gaar gaar ah, sameynayaane xiriiro kala duwan , kuwaasi oo dhamaan ku saabsan isbadalka dhacay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada