U bood dhigaalka

Ciidamadii La Wareegay Xarunta Doorashooyinka Jubbaland Oo Halkaasi Laga Saarey

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha ciidanka Jubbaland ay ku guuleysteen in xaruntii Daawad ee magaaladaasi laga saaro ciidamo gadoodsan oo xalay halkaasi la wareegay.

Waxaa lasoo sheegayaa in saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Jubbaland ay gaareen halkaasi, islamarkaana dhammaan ciidankii meesha haystay ee ka tirsanaa Nabad sugidda ay ku amraaan in meesha ay kasoo baxaan.

Xaaladda guud ee Kismaayo waa mid aad u deggan, waxaana durba xaruntii Daawad ee laga soo saarey ciidanka ka billaabatey doorashada xubnaha aqalka hoose.

Saraakiisha Jubbaland ee Kismaayo faah faahin dheeraad ah kama aaney bixin arrintaan, iyadoo aan la ogeyn in la xaliyey cabashadii ay qabeen askartaasi iyo in kale.

Goobjoog News