U bood dhigaalka

Ciidamado Ka Gadooday K/galbeed

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa xaqiijiyey iney jiraan ciidamo ka gadooday maamulkooda, kuwaasi oo dhowaan tababar ku qaatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulkaasi C/laahi Maxamed Aadan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ciiamadan ay tiro ahaan gaarayaan 105, kuwaasi oo markii ay waayeen mushaarkooda dib ugu laabtay deegaannadii laga keenay.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidankaan laabtay laga soo xulay deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Hoose, balse ay iska baxeen xilli tababarkooda ay dhameysteen.

“Ciidanka maqan waa 105, gadood ahaan ayeey ku baxeen, mushaar ayeey waayeen waxayna ku laabteen deegaannada Shabellaha Hoose oo markii hore laga keenay, cabasho waa ay jirtay, waxaana la isku dayayaa in la xalliyo wax walbo” ayuu yiri wasiir ku xigeenka amniga K/galbeed.

Ciidamada K/galbeed waxay maalmahan dambe aad uga cabanayeen mushaar la’aan xilli ay ciidankaan dagaallo kula jiraan Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News