U bood dhigaalka

Ciidamo AMISOM iyo Kuwa Jubbaland iskugu Jira oo Lagu Weeraray Deegaanka Cabdalla Biroole

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwo Dowlad goboleedk Jubbaland ayaa dagaal gaadmaha lagula beegsaday Deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaas ahaan 60 Km dhanka Koonfureed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Taliyaha howlgallada dhanka Galbeed ee Dowlad goboleedka Jubbaland Xasan Ciraaq ayaa goobjoog News u xaqiijiyay in uu ka geeriyooda hal askari ayna ka dhaawacmeen Labo kale, kadib markii qarax miino dhulka loogu aasay, weerar gaadma ahna lala beegsaday kolanyo gaadiid ciidan ah oo deegaankaas marayay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dhanka AMISOM soo gaaray.

“Anigu goobta ma joogin, balse waxay wararku igu soo gaarayaan in Labo Askari ay dhaawacmeen, halna uu shahiiday, kadib markii ay weerar gaadma ah nagu soo qaadeen kooxihii dhagar qabayaasha ahaa ee Al-Shabaab, dhankooda waxaan ka dilnay 1 askari, waxaanan ka dhaawacnay 3 kale”, ayuu yiri Taliya Xasan Ciraaq oo aan wareysannay.

Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland ayaa 9 Sebtember 2016, lawareegey deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo qiyaas ahaana u jira 60KM.

Goobjoog News