U bood dhigaalka

Ciidamo Amniga Qaabilsan oo Howlgallo Ka Wada Degmada Caabudwaaq

Sheeko:Amniga

Ciidamo isugu jira kuwa qaabilsan amniga ee kala ah booliska Haramcad, Ciidamada Qeybta 21,aad ee Xoogga Dalka iyo Booliska Qaabilsan Amniga Deegaanka guud ee Galmudug oo soo gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa bilaabay hawlgallo la xariira amniga Degmada.

Ciidamadaan ayaa imaatin kooda degmada waxaa uu la xariiraa sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen sugidda amniga degmada, Caabudwaaq kaddib markii tacshiir ay fureen kooxo hubaysan subaxnimadii hore ee maanta ay sababtay geerida labo ruux iyo dhawaaca qof dumar ah.

Dhinaca kale waxaa magaalada goor dhaw soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaanno si ay gacan uga gaystaan deganaanshiyaha Degmada.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa hadda kulan Albaabada u xiran yahay waxaa ay kula leeyihiin hoygiisa Ugaas Maxamed Ugaas Axmed iyo laamaha kala duwan ee Amniga, Shacabka degmada Caabudwaaq ayaa si wayn uga naxay falka ay maanta gaysteen dablayda hubaysan.

Laamaha kala duwan ee amniga ayaa wada howlgalo ay ku baadi goobayaan dambiilayaasha oo markii ay dilka gaysteen goobta ka baxsaday.

Goobjoog News