U bood dhigaalka

Ciidamo Booliis Ah Oo Ka Shaqo Billaabay Degaanka Ceeldheere Ee Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Degaanka Ceeldheere oo kamid ah degaannada hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa laga sameeyay ciidamo boolis ah oo ilaaliya nabadgalyada degaanka.

Ciidamadani Booliska ah oo laga dhisay dhowaan degaanka Ceeldheere ayaa ku shaqeynaya saldhig halkaas laga hirgaliyey oo dadka degaanka ay kaalin ka qaateen dhismihiisa.

Ka hortagga falalka amniga wax u dhimaya, dadka xaalufinta dhirta wada iyo rabshadaha kale ayaa qorshihii loo sameeyay lagu sheegay ciidamadani cusub oo degaanka Ceeldheere ee duleedka Dhuusamareeb laga hirgaliyay.

Guddoomiyaha degaanka Ceeldheere ee gobalka Galgaduud Cabdi Faarax Cali (Xeyle) ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamadani shaqo fiican ay qabteen haddana ay weli wadaan.

“Ciidamadaan waxaa loogu talagalay inay sugaan nabad-galyada, waxayna xaliyeen dhibaatooyin degaankan Ceeldheere ka taagnaa sidoo kale xaalufinta dhirta ayaa kamid ah waxyaabihii loo aasaasay inay ka hortagaan” ayuu yiri guddoomiyaha degaankaasi.

Wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay ka caawiyaan in ciidamada nabadgalyada ay ku soo wargaliyaan dadka dhirta jaraya oo uu sheegay in dhowaan ay waxbarasho u billaabi doonaan.

“Dadka degaanka waxaan ka codsanaynaa inay inoo soo sheegaan wax kasta oo amni xumo keenaya iyo dadka ku howlan nabaadguurka degaankani” ayuu yiri guddoomiyaha Ceeldheere Cabdi Faarax.

Ugu dambeyn ayuu sheegay guddoomiyaha in aan la ogalaan doonin in dhirta degaanka la jaro iyadoo maalmihii dambe ay degaankani ku soo badanayeen dad dhirta u isticmaalaya dhuxul ahaan.

Goobjoog News