U bood dhigaalka

Ciidamo Booliis ah Oo Tababar Loogu Soo Xiray Jowhar

Sheeko:Amniga

Munaasabad tababar loogu soo xireyey Ciidamo  gaaraya laba boqol oo Askari oo qeyb ah Booliska gaarka ah ee dawlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta ka dhacday Magaaladda Jowhar, waxaana ka soo qeyb galay  madaxweynaha maamulka Maxamed Cabdi Waare, Taliyeyaasha Ciidamada Hirshabeelle, saraakiil ka socota Booliska Federaalka, Amisom Boliis, UN iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle  C/qaadir Aadan Jeelle ayaa  sheegey in Ciidanka maanta tababarka loo soo xeray ay yihiin  Dufcadii labaad ee Ciidanka gaarka ah ee Booliska Hirshabeelle.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu sheegey in dawlad goboleedka Hirshabeelle ay u suurta gashay inuu yeeshaan Ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono howllgalada Iyo Xaqiijinta Amniga deegaanada HIrshabeelle.

Dhanka kale wasiir  C/qaadir jeelle ayaa sheegey iney dufacadaan tii ka horeysey ay ka qeyb qaateen isku-furka wadada xiriirisa Muqdisho iyo jowhar, iyaddoo dufacadaan ay ugu tala galeeen xoreynta degmooyinka ka maqan gacanta maamulka.

 

Goobjoog News