U bood dhigaalka

Ciidamo Boolis Iyo Nabad Sugid Ah Oo Tabobar Loogu Soo Xirey B/weyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Tabobar ugu soo xiray 100 askari oo isugu jira Nabad sugidda iyo Booliiska.

Munaasabadda tabobarkaan loogu soo xirayey ciidamadan ayaa ka dhacday xerada Gaaska Shanaad ee Lama galaay, halkaasi oo markii horeba tabobarka uga socday.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu horreyn waxa uu madaxweynaha Hirshabelle warbixin ka siiyey ciidamadan tabobarka loo soo xirey iyo sida la isugu keenay.

Waxa uu guddoomiye Jeyte sheegay in ciidanka Nabad sugidda la xareeyey markii uu isaga noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay sidoo kale in qarashaad deyn ah ay galeen markii ay ciidankaan tabobarka u xareynayeen.

Ugu dambeyn madaxweyne Cosble oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay ciidamada Tabobarka loo soo xirey ay ka tirsan yihiin Hirshabelle, xaqna ay ku leeyihiin maamulkaasi.

“Waxaan maanta ku dhowaaqayaa inaad ka tirsan tihiin ciidamada Hirshabelle, waxaad heli doontaan xuquuqdiina, sidoo kale waxaa la idinka doonayaa inaad difaacdaan shacabka aad maanta usoo istaagteen” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo la tashi kula leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobjoog News