U bood dhigaalka

Ciidamo Burundi Ah Kana Tirsan Howlgalka AMISOM Oo Ku Laabanaya Dalkooda

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM gaar ahaa kuwa ka socda dalka Burundi ayaa ku laabanaya dalkooda sanad kadib waxaana ciidamadaasi ay ka tirsanaayeen ururka 32-aad iyo 33-aad.

Qeybtii ugu horreysay ee ciidamadaan ayaa ka dhoofay Soomaaliya qamiistii lasoo dhaafay iyadoo qaar kalena ay baxayaan usbuucaan.

“Xiriirka aan la leenahay ciidamada qaranka Soomaaliyeed waa mid wanaagsan waxaana wadaagnay warbixinno ku aaddan cadawga waxaan sidoo kale iska kaashanay arrimaha la xiriira sirdoonka waxaana ahayn kuwo wada jir u fuliya hawlaha ciidamada Soomaaliyeed ayaana na caawinayey sababo la xiriira dhinaca luuqadda iyo isfahamka waana iyaga kuwa nook ala sheegayey magacyada magaalooyinka dalka waxay sidoo kale naga caawiyeen dhinaca xog raadinta iyagoo na baray sida loola xiriiro bulshada Soomaaliyeed sidaana waxaa yiri taliyaha ururka 32aad Major John Manirakiza”

Major Richard Nikoyagize, oo isna ah taliyaha ururka 33-aad ayaa u sababeeyey guulaha ay gaareen ciidamada Burundi aqlaaqda aadka u sareysa oo ay leeyihiin iyo xiriirka wanaagsan oo ay la leeyihiin ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Dalka Burundi ayaa ka mid ah wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo hoos yimaada howlgalka AMISOM waxaana sidoo kale ka mid ah wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya dalalka Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Goobjoog News