U bood dhigaalka

Ciidamo Dharka Dowladda Ku Labisan Oo Rayid Xabadeeyay

Sheeko:Dalka

3 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay kadib markii dabley ku hubeysan dharka dowladda Soomaaliya ay rasaas ku furay gaari u soo socday dhanka magaalada Muqdisho sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dableydan dadka waxyeeleeyay  ayaa gaariga xabadda ku furay xilli uu mareya tuulada Buulo Gumuray oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

Dableyda weerarka geystay ayaa la sheegayaa in ay goobta ka baxsadeen markii uu dhibka dhacay, lamana oga sababta ay arrinkaas u geysteen.

Ma aha markii ugu horeysay ee rayid dhac iyo dhibaato ay u geystaan dabley ku labisan dharka dowladda, sidoo kale lama arko tilaabo cad oo dowladda ay ka qaado dalbeyda shacabka ku waxyeeleysa dharkeeda.

Goobjoog News