U bood dhigaalka

Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Xarunta Doorashooyinka Ee Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamo gadoodsan islamarkaana ka tirsan Jubbaland ay la wareegeen xaruntii doorashooyinka dadban lagu qabanayey ee magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa iney ka tirsanyihiin Nabad sugidda Jubbaland, waxaana halkaasi ay galeen habeenkii xalay ahaa iyaga oo saakay diidey in goobtaasi ay doorasho ka dhacdo.

Xarunta ciidankan gadoodsan ay la wareegeen waxaa lagu magacaabaa Daawad, waxaana ay ku dhowdahay madaxtooyada Jubbaland.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in sababta ciidankan u qabsadeen halkaasi ay tahay kadib markii ay dalbadeen in lacag lagu siiyo ilaalinta xarumaha doorashooyinka.

Illaa iyo hadda ma muuqato dedaal ciidankaan looga saarayo xarunta doorashooyinka Kismaayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News