U bood dhigaalka

Ciidamo Hor Leh oo Itoobiya Ka Socda oo Usoo Talaabay Gudaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Illaa 3 kun oo ciidamo hor leh oo dalka Itoobiya ka socda ayaa lagu soo waramayaa in ay kasoo talaabeen xuduudda Soomaaliya dhanka gobolka Gedo, iyada oo la qorsheynayo in weerar lagu qaado magaalooyin iyo deegaano ay heystaan Alshabaab oo ka tirsan Gedo iyo Jubbada Dhexe.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka oo badan ayaa durbadiiba gaaray magaalada Luuq, wararkuna waxa ay sheegayaan in meesha ugu horeysa ee weerarka lagu qaadayo ay tahay Baardheere oo ah magaalada ugu weyn ee ay Alshabaab heystaan.

Mar sii horeysey saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee ku sugan Gedo ayaa warbaahinta u sheegeyin la abaabuley ciidamada, duulaana uu bilaaban doono mardhow.

Waxaana todobaadyadan Gedo ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo lasoo sawirey isaga oo ciidamo horkacaya meel banaanka ka ah Dooloow, sheegeyna in hawlgalkii ciidan uu biloowdey.

Bishii hore madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa ku sugnaa magaalada Addis Ababa halkaasi oo dowladda dalkaasi Itoobiya lasoo saxiixdey heshiis qodob ka mid ah uu dhigayay in hawlgal ciidan uu ka biloowdo gobolka bishan dhamaadkeeda, Itoobiyana ay gacan ka geysato.

Goobjoog News