U bood dhigaalka

Ciidamo Isku Rasaaseeyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamo la sheegay iney ka wada tirsan yihiin kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow waxay isku rasaaseeyeen Isgoyska Tarabuunka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa Israsaaseyntaasi ku dhaawacmay 3 qof oo uu ku jiro wariye la sheegay inuu ka tirsan yahay Idaacadda Shabelle, kaasi oo lagu magacaabo Mahad Maxamed C/raxmaan.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda ayaa halkaasi gaaray kuwaasi oo xaqiijinaya amniga, waxaana ay kala dhexgaleen ciidankii is rasaaseeyay, iyadoo khasaaraha halkaasi ka dhashay uu intaasi ka badan karo.

Illaa iyo hadda lama oga ulajeedka ay ciidamadan isku rasaaseeyeen iyo sidoo kale halka ay ka kala tirsan yihiin, iyadoo xaaladdu tahay mid deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News