U bood dhigaalka

Ciidamo Itoobiya Iyo Gaadiidka  Dagaalka Oo Ka Soo Gudbay Doolow

Sheeko:Dalka, War

Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee gobolka Gedo, Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan 35 gawaarida dagaalka ah iyo baabuur kale oo nooca taangiyada qaada ah ayaa saaka markii 2aad 24 saac gudahood ka soo gudbay Doolow Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay aadeen dhanka iyo degmada Luuq halkaasi oo ay isku aruursanayaan, kooxda hore waxaa ay soo gudbeen shalay 5tii galabnimo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay saldhigyo ka dhiban-doonaan Bay iyo Shabeellada hoose halka warar kale ay sheegaan in ay u socdaan Baardheere oo horay ciidamo kale oo Itoobiyaan ah u joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Adis Ababa booqasho ku tagay October 23-keeda isaga oo ka dalbaday in ay gacan ku siiyaan la dagaalanka Al-shabaab.

Goobjoog News