U bood dhigaalka

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Daad Gureynayo Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa lagu daad gureynaa ciidamo Itoobiya ah, kuwaasi oo bedalaya ciidamadii Sera Leone oo ka baxay gobalka Jubada Hoose.

Billawgii Todobaadkan waxaa magaalada Kismaayo laga dejiyay ku dhawaad 300 oo ciidamo Itoobiyaan ah, kana mid ah howlgalka AMISOM.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in magaalada Kismaayo lagu daabulayo ciidamo kale oo isla dowladda Itoobiya ka socda, kuwaasi oo howlgallo ka billaabi doona gobalada Jubooyinka.

Jaamacadda Magaalada Kismaayo waxaa shalay iyo maalintii ka horreysay la xaqiijiyay inay ka dageyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter kuwaasi oo saanad Milatari u wada ciidanka Itoobiya.

Ciidamada Ityoobiya ayaa dalka kaga sugan goballo badan, waxaana ay qeyb ka yihiin haatan howlgalka AMISOM, inkastoo ciidanku ka badan yahay tirada AMISOM u diiwaan gishan.

Goobjoog