U bood dhigaalka

Ciidamo Itoobiyaan Ah oo Qarax Lagula eegtay Gobalka Baay

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobalka Baay ee Koonfurta Soomaaliya aya waxa ay sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi qarax lagula eegtay ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo dalkeenna ku jooga inay nabad ilaaliyayaal yihiin.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso si gaarana uga dhacay degmada Qasaxdheere ee gobalka Baay ayaa waxa uu haleeyay gaari ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah waxaana la soo sheegayaa in qaraxaasi uu sababay khasaare kala duwan.

Dadka deegaanka aya sheegay inay maqleen jugta qaraxa balse ma aysan sheegin tirada saxda ah ee qaraxaasi waxa ku noqotay haddii ay ahaan lahaayeen askartii Itoobiyaanka ahyd ee qaraxa lala eegtay iyo dadka shacab ah.

Qoraal ka soo baxay Al shabaab laguna daabacay baraha ay ku leeyihiin Internedka ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda qaraxaas iyaga oo intaas ku daray inay gubeen gaariga ay qaraxa la eegteen islamarkaana ay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ahba gaarsiiyeen saraakiil ay sheegeen inay yihiin miina baarayaal.

Ma jirto saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ka hadlay qaraxan lala eegtay askartooda balse Al shabaab ayaa weeraro qaraxyo u badan la beegsada gaadiidka ay la socdaan ciidanka Itoobiya ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Goobjoog News