U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Gadooday Jubbaland

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa la sheegay iney ka gadoodeen maamulkaasi, kadib markii muran uu soo kala dhexgalay iyo ciidan kale oo ku sugan saldhigga Kismaayo.

Wararku waxay sheegayaan in gadoodkan uu ka dhashay kadib markii ciidamada Jubbaland ay xireen Askari la sheegay in looga shakiyey Bam inuu ku weeraray saldhigga Booliiska Kismaayo.

Ciidamo uu la shaqeynayey askarigan ayaa durba waxay dhaq dhaqaaqyo ka billaabeen Kismaayo, iyaga oo sheegaya in aanu qalad lahayn askariga xiran, balse loo sheegay in sharciga ay ka war sugaan.

Intaasi kadib ayaa la sheegay in ciidankii la safnaa askariga xiran ay difaac ka galeen dabaq ku yaalla Kismaayo, waxaana ay ka biyo diideen iney hubka dhigaan, iyadoo halkaasi dagaal aan khasaare geysan uu ka dhacay.

Wariyaha Goobjoog ee magaalada Kismaayo Mascuud Aadan ayaa soo sheegaya in ugu dambeyn ciidankii gadoodsanaa qaarkood ay is dhiibeen, halka kuwo kalena la tilmaamay in magaalada ay ka baxsadeen.

Xaaladda guud ee magaalada Kismaayo ayaa ah mid deggan, waxaana dhanka kale socda howlgallo amniga lagu sugayo oo ay wadaan ciidanka Jubbaland.

Goobjoog News