U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Socda Dalka Ingiriiska Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka socda dalka Ingiriiska ayaa soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeybqaataan hawlgalka Qaramada Midoobay ay ka waddo Soomaaliya oo lagula dagaallamayo kooxaha Islaamiyiinta ah.

Ciidamadan oo si horudhac ah usoo gaaray Soomaaliya ayaa tiradoodu lagu sheegay Toban Askari waxayna tababar siin doonaan hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee looga soo horjeedo xarakada Al-shabaab.

Ku dhawaad 70 askari ayaa ugu dambeyn gaari doona Soomaaliya si ay u fuliyaan hawlo caafimaad, dhinaca saadka iyo inay gacan ka siiyaan AMISOM dhinacyada kale ee ammaanka.

Xarakada Alshabab oo xulufo la ah Al-qaacidda ayaa dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee caalamku aqoonsanyahay si ay ula wareegto gacan ku haynta dalka.

Goobjoog News