U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Jirdilay Tifaftirihii Radio Daljir Ee Garoowe

Sheeko:Dalka

Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin maamulka Puntland ayaa xalay jirdil ugu geystay magaalada Garoowe tifaftirihii Radio Daljir kadib markii ay kala degeen gaarigiisa.

Cabdifataax Cumar Geeddi ayaa la sheegay inuu saarnaa gaari uu lahaa kadibna ciidamadani ay ku amreen inuu ka soo dego iyadoo intaa kadibna ay jirdileen oo ay la dhaceen baadka qoryihii ay wateen.

Jamaal Faarax Aadan oo ah tifaftire ku xigeenka Raadiyaha Daljir oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ahaayeen ilaalada wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde.

Wuxuu sheegay in dhaawacyo yaryar ay ku yaallaan Cabdifitaax Cumar oo xaaladdiisa ay yara wanaagsan tahay iminka.

Beesha caalamka iyo dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan in dib loo fasaxo Radio Daljir isagoo la siinayo xoriyaddiisa hadalka.

Ciidamada Puntland ayaa dhawaan xiray Idaacadda Daljir oo ka mid ah idaacadaha madaxa bannaan ee ka shaqeeya magaalada Garoowe sababo lagu sheegay wereysiyo qaldan oo ay qaadeen.

Goobjoog News