U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaalamay Mahadaay, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka wada tiran dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ku dagaallameen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamadan dagaallamay ay ka kala tirsan yihiin Milatariga iyo sidoo kale Booliiska, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey Hal askari, iyadoo Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in weli ay halkaasi ka jirto xiisad dagaal, iyadoo deegaanka ay gareen ciidamo kale oo dheeraad ah.

Maamulka degmada Mahadaay waa uu ka gaabsaday in uu dagaalkan faahfaahiyo, lamana oga weli waxa ay ciidankaan isku hayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News